Safiirka Soomaaliya ee Dalka Ruwanda Cabdullahi Sheekh Maxamed ayaa sheegay in uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka jecelyahay Madaxweynaha Dalka Ruwanda Paul Kagame.
Teaser Image Danjire Cabdullahi Sheekh “Wasiirka Arrimaha Dibadda Anigaa awood u leh inaan eryo”
Danjire Cabdullahi Sheikh Maxamed oo Wareysi siiyay Shabakadda Great Lakes Voice oo laga leeyahay Dalka Ruwanda ayaa sheegay in uu Madaxweynaha Soomaaliya uu ka jecelyahay Madaxweynaha Ruwanda.
“Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh waxaan ka jeclahay Madaxweyne Paul Kagame (…) Kagame waa Hoggaamiye aan aad u ixtiraamo” Ayuu yiri Maxamed.
Safiirka ayaa hadalkaan u jeedinaya Madaxweynaha uu matalayo, asigoo ku daray in aan la “Ceyrin karin”.
Waxaa jiray Warar sheegaya in Dowladda Federaalka ay xiri doonto Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Ruwanda, Danjire Cabdullahi Sheekh oo Jawaab ka bixiyay Wararkaasi ayaa yiri “Ma jirto cid i Casili karta ama xiri karta Safaaradda (…) Ruwaanda waa Dal Muhiim u ah Soomaaliya, ma xiri karno Safaaradda”
Cabdullahi Sheekh oo ayaa ku daray “Wasiirka Arrimaha Dibada anigaa awood u leh inaan eryo!”
“There are rumours, nobody can dare fire me. Tell me if it’s the Minister of Foreign affairs; I have powers to fire him. I sit in the Somali council that plan for the country.”
Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ay Keydmedia Online rabtay in ay Arintaan kala hadasho, ayaa ka gaabsaday in uu Jawaab ka bixiyo. Mid kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa sheegay in Safiirka uu bahdilay Dalka uu matalayo.




