Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa Madaafiic Qasaarpo geysatay waxey ku garaaceen Jaziirada Madhawaa oo ka tirsan Gobolka Jubda Hoose.
Weerarkan Madaafiicda ahaa ee Al Shabaab ay ku qaadeen Jiziirada Madhawaa oo gacanta ay ku hayaan Ciidamada Kenya ee AMISOM iyo kuwa Maleeshiyaadka Kooxda Raaskambooni ayaa ku dhintay ilaa iyo Ruux.
Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab ayaa Saldhig Militari ku leh meel 15 Km u jirta Jaziirada Madhawaa oo ku sugan Ciidamada Dowladda Kenya—AMISOM iyo Maleeshiyaadka Axmed Madoobe.
Isbuucii la soo dhaafay, ayaa Koox ka tirsan Ururka Al Shabaab ay Weerar ama Dagaal Jaziirada Madhawaa kula galeen Maleeshiyaadka Kooxda Ururka Raaskambooni ee gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Saraakiisha Ururka Raskamoobi ee Kismaayo wali wax hadal ah kama soo saarin Weerarkii Madaafiicda ahaa ee Al Shabaab ay ku qaadeen Jaziirada Madhawaa oo ka tirsan Gpobolka Jubada Hoose.




