Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa Labo Nin oo Ganacsato ah ku Bireeyey Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiran.
Wararka la gahelayo Degmada Buulabarde ayaa sheegaya in Shalay Galinkii danbe Maleeshiyada Kooxda Al-shabaab ay Gacanta ku dhigeen Labo Nin oo ka mid ah Ganacsatada Degmada Buulabarde,kuwaas oo Magaalada keeni jiray Khaadka.
Labada Marxuun ee ay Al-shabaab Gowraceen ayaa la sheegay in laga Qabtay Tuulo u dhaw Degmada Buulabarde,xili ay wateen Gaari ay ku wadeen Khaad.
Liibaan Max’ed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa u sheegay Keydmedia online in Labada Nin Al-shabaab ay Qoorta ka jareen islamarkaana Gaarigii ay Dhaceen.
Dadka Deegaanka oo doonayey in ay Maydadka Asturaan ayaa loo diiday,waxaana Wararku ay sheegayaan in Maydka uu wali meeshay Yaalo.
Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan Toolooyin Hoosyimada waxaa dhawaan ku Dagaalamay Al-shabaab iyo Ganacsatada Khaadka Magaalada Keenta.




