Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo Duhurkii maanta ka dhacay nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lala eegtay masuul hore uga tirsanaa Mamulka Gobalka Banaadir, kaasi oo lagu magacaabo C/kaafi Hilowle Cismaan, xilli uu halkaasi maraye.
Kudhawaad 6-ruux oo Askarta Dowladda kamid ah ayaa qaraxaasi waxyeelo ay kasoo gaartay, iyadoo wararka ay sheegayaan inuu geeriyooday C/kaafi Hilowle Cismaan Xogyihii hore ee Gobalka Banaadir.
Dad tiradooda lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 20-ruux ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxaasi kuwaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen goobta qaraxa ka dhacay.
Masuuliyiin ka tirsanaa Maamulkii hore ee Tarsan ayaa inoo xaqiijiyay geerida C/kafi Hilowle Cismaan Xogyihii hore ee Gobalka Banaadir.
Macada qaraxan lala eegtay C/kaafi Hilowle Cismaan inuu ahaa mid gaarigiisa lagu soo xiray iyo qarax miino oo goobta la galshay oo gaarigiisa laal eegtay.





