Weeraro qasaaro gaystay oo ka dhacay dalka Kenya

0
483

Wararka laga helayo Magaalada Wajeer ee dalka Kenya aaya sheegaya in weerar xoogan ay kooxa lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Xarakada Shabaab ay ku soo qadeen Magaalada Wajeer .

Masuul ka tirsan Maamulka Magaalada Wajeer oo lagu magacaabo Odhiambo Wambia ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay weerarkaasi, isagoo sheegay in ay wadaan howlgallo lagu baacsanayo kooxihii ka danbeeyay Weerarka.

Odhiambo Wambia ayaa sheegay in laba qof ee dhawacmay mid ka mid ah uu yahay askari ka tirsanaa Ciidamada Boliiska, isagoo sheegay in xiligani lagu dabiibayo mid ka mid ispitaalada ku yaala Magaalada Wajeer ee dalka Kenya.

Dhanka kale dagaalyahano hubaysan oo iyana la aaminsanyahay in ay ka tirsan yihiin Dhaq dhaqaaqa Shabaab ayaa weerar ku qaaday fadhiisimo ay Ciidamada Boliiska Kenya ku leeyihiin Magaalada Mandera ee gobalka Waqooyi Bari dalka Kenya.

“ Dablayda looga shakisnyahay in ay ka tirsan yiihin AL-Shabaab ayaa weeraro la eegtay fadhisamo kala duwan oo Ciidamada Boliiska ay leeyihiin iyo sidoo kale guriga Gudoomiye ku xigeenka Magalada Mandera ” sidaasi waxaa yiri Taliyaha Ciidamada Boliiska Magaalada Mandera.

Noah Mwivanda ayaa sheegay in aysan jirin wax qasaara ah oo ka dhashay Weeraradasi oo loo adeegsaday wax yaabaha qarxa waxa uuna sheegay in kooxaha hubaysan ay isku kala qaybiyeen qaybo kala duwan ayna meelo kala duwan oo Magaalada ka tirsan ay weeraro aan qasaaro sababin ay ka gaysteenWajeer-NFD-Kenya-150x150