WASAARADA ARIMAHA DIBADA OO KA HADASHAY RAAFKA KENYA AY KU HAYSO SOOMAALIDA ISLII

0
499

Wasiiru Dowladaha Wasaarada arimaha Dibada Xukuumada Soomaaliya, Burci Maxamed Xamsa ayaa ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay iyo xeritaankii ciidamada Kenya ay kula dhaqaaqeen qunsulka dowlada Soomaaliya ee Kenya, Siyaad Maxamuud Shire.

Burci Xamsa oo la hadlayay Jariirada kasoo baxda dalka Kenya ee The Standard ayaa sheegay in xeritaankii ugu dambeeyay ee Soomaalida Kenya inuusan horseedeynin inuu xumaado xiriirka labada dal ee deriska ah.

Wareysiga uu bixiyay Burci Maxamed Xamse ayuu ugu baaqay dowlada Kenya inay xakameyso dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Kenya, kuwaasi oo mudooyinkii dambe lagu qabqabanayay dalkaasi.

“Waxaan ka murugeysanayay falalkaasi, laakiin rajada ayaa ah in taasi laga gudbo”sidaasi ayuu yiri wasiiro dowlaha arimaha dibada xukuumada Soomaaliya Burci Xamsa.

Waxii ka dambeeyay bishii lasoo dhaafay dowlada Kenya ayaa sameysay baaritaano ay ku adkeynaysay amaankeeda, waxaana ay saameeyeen Soomaalida sharci darada ku joogtay dalkaasi Kenya.

Ku dhawaad 300 oo Soomaali ah ayaa laga soo dajiyay magaalada Muqdisho, kadib markii ciidamada amaanka ee Kenya ay kasoo qabqabteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.20199