Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusii jeeda Magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasi oo uu kula soo kulmi doono Madaxweynaha dalkaasi sida wararka ay sheegayaan.
Safarka Madaxweynaha dalka Uganda uu ugu ambabaxay ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii Xildhibaano ka tirsan Baaralaamnka Federaalka Soomaaliya ay Madaxweynaha ka dalbadeen inuu iscasilo.
Madaxweynaha dalka Uganda oo ay Xasan Sheekh kulan soo wada qaadan doonaan, ayaa saameyn ku leh arimaha dalka Soomaaliya, maadaama ciidamo ay ka joogan dalka si dhawna uu ula socdo siyaasada dalka.
Xiisad Siyaasadeed ayaa ka taagan Magaalada Muqdisho, waxaana Magaalada ka socdo shirar hoose oo ay leeyihiin Xubno Baarlamaanka ka tirsan iyo Wasiiro wada olole xoogan oo taageerada Madaxweynaha ah.
Maanta ayaa Muqdisho waxaa lagu dhigay Banaanbax weyn oo Madaxweynaha lagu taageeraye inkastoo Madaxweynaha uusan ka qeybgalin banaanbaxaasi oo uu dalka Uganda u safray.
Madaxweynaha ayaa dadaal ugu jira sidii uu u joojin lahaa guuxa siyaasadeed ee ka heesta gudaha dalka, xili xildhibaanada ay mooshinkooda u gudbiyeen gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa jira xildhibaano badan oo ku jira baarlamaanka Soomaaliya oo ay isku xulufo yihiin madaxweynaha iyo 33-xildhibaan oo ka mid ah xukuumada hada jirta oo ayaguna ka soo horjeeda mooshinkaan ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya.




