Iyadoo Soomaalida ku nool Magaalada Nairobi ee dalka Kenya bilahan dambe ay la kulmayeen dhibaatooyin kala duwan, ayaa Soomaalida Islii ku nool, waxa ay ku dhawaaqeen guddi ay ku mideysan yihiin Soomaalida dalkaasi ku nool.
Guddoomiyaha Guddigan, ayaa waxaa loo doortay Xaaji Ibraahin Maxamed Xuseen, halka Xaaji Yaasiin Jaamac isna loo doortay Guddoomiye kuxigeenka Guddiga Soomaalida Xaafada Islii.
Guddoomiyaha cusub ee Guddigan ayaa dadka Soomaalida ah ee Islii jooga wuxuu usheegay inay umahadcelinayaan dadka Soomaalida Islii, isaga oo sheegay in laga rabo dadka inay la shaqeeyaan Guddigan.
Ujeedada ka dambeysay aas-aaska Guddigan ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay sidii loo bad-baadin lahaa dadka Soomaalida ah ee ku dhibaateysan dalka Kenya.
Dowladda Kenya oo waayahan dambe u tafaxeedatay sidii ay tacadi ugu geysan laheyd Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaanan u eegin Dadka ay qabtaan sharci iyo sharci la’aan, maadaama Kenya ay sheegtay inay dalkeeda ka saareyso dadka Ajaanibta ah ee aan sharciga ku joogin.





