MACALIN KENYAN AHAA OO XALAY LAGU DILAY MAGAALADA GAALKACYO

0
515

Kooxo hubaysan ayaa xalay waxa ay Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug qeybta Puntland ku dileen Macalin udhashay dalka Kenya oo ku sugnaa Magaaladaasi.

Keneth Mwanga oo 50 jir kenya u dhashay ah oo Macallin ahaa ayaa la toogtay abaara 8:00 fiidnimo, xilli uu ka soo baxayay duruus uu ka bixinayay Dugsiga uu ka shaqeynayay.

Guddoomiye kuxigeenka Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland Yacquuq Maxamed Cali, ayaa usheegay Idaacada VOA in ragii dilay Macalinka Kenyanka ah ay baxsadeen.

Ninkaan oo barre ama macalin ka ahaa Machadka (Vision International College) ee Magaalada Galkacyo, ayaa waxaa toogasho ku dilay nin la sheegay in uu bistoolad ku hubeysnaa, wuxuuna ku dilay afaafka hore ee Machadkaasi.

Macallinkan oo laga keenay Dalka kenya ayaa Puntland tagay bishii September sannadkii 2013-kii xiligaaso Machadka uu wax ka dhigayay laga furay Gaalkacyo.

Ciidamada ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa wada baaritaan ku aadan soo qabashada cidii ka dambeysay dilka loo geystay macalinkaasi Kenyatiga ah.

Dilkaan ayaa waxa ay kusoo aadeysa xilli Soomaali badan oo ku nool dalka Kenya Dowladaasi ay ku hayso raaf xoogan oo ku aadan in dalkaasi ay kasoo masaafuriyaan.