SOOMAALI KU XIRAN GAROONKA DIYAARADAHA KENYA OO GARGAAR DALBANAYA+DHAGEYSO

0
467

Iyadoo Garoonka diyaaradaha dalka Kenya ay ku xiran yihiin Soomaaliya lagu soo qab qabtay howlgalo ay sameeyeen Ciidamada amaanka Kenya ayaa waxaa soo baxayo qeylo dhaan ka soo yeereysa Soomaalida halkaasi ku xiran.

Cabashada Soomaalida ku xiran Garoonka Jooma Kenyata ayaa ku saleysan in dib loogu soo celiyo Soomaaliya si nolol cusub halkan uga bilaabaan,waxayna sheegeen in dhibaatooyin kala duwan gudaha Garoonka ay ku heystaan.

Wariyaha Idaacada Risaala ee dalka Kenya oo ku sugan gudaha Garoonka Jooma Kenyata ayaa soo sheegaya in Soomaalida hilow badan u qabaan aragtida wadankooda,islamarkaana ka daaleen waxay tahay ku noolaashaha wadan shisheeye sidaasi daraadeedna dalbanayaan si deg deg ah looga saaro Garoonka loona wareejiyo dalkooda si qeyb kaga noqdaan boqolaalka Soomaalida ee laga soo celiyayay Kenya hada ku nool wadankooda hooyo.

Dadkaan Cabanaya ayaa isugu jira Carruur,Haween iyo Dad da’ ah kuwaasi oo muujinaya inaysan ku sii noolaan Karin xabsiyada Kenya,islamarkaana u baahan yihiin madaxdooda Soomaalida inay ka damqadaan dhibaatada haaysata kana saaraan xabsiyada.

Ciidamada amaanka Kenya ayaa howlgalo loogu magacdaray Nabad-galyo ka sameeyay xaafada Islii oo Soomaalida si aad ah u degan yihiin halkaasina ay ka soo qab qabteen dad aad u fara badan,kuwaasi oo isugu jira kuwa sharciga haaysta iyo kuwa aan haaysan.20292