Safaarada Mareykanka ee dalka Kenya ayaa waxa ay dalbatay in ciidamo dheeraad ah la geeyo safaarada, kadib korarka qaraxyada ka dhaca dalka Kenya oo ay walaac ka muujiyeen masuuliyiinta Safaarada.
Ambassador Robert Godec oo ah safiirka Dowladda Mareykanka ee dalka Kenya, ayaa sheegay inay ka dalbanayaan Dowladda Kenya iyo Dowladda Mareykanka ciidamo dheeraad ah oo ku aadan ilaalinta xarunta Safaarada Mareykanka ee Kenya.
Robert Godec ayaa sheegay in amaanka Safaarada ay Qatar soo food saaratay isagoo xusay in dowladaha Mareykanka iyo Kenyaba looga baahan yahay in ay xaqiijiyan ammaanka Safaarada iyo shaqaalaheedaba.
Wixii ka dambeeyay markii Al-Shabaab ay weerareen Suuqa Ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi ayuu Ambassador Robert Godec, sheegay inay kordheen weerarada qaraxyada ay ka geysanayaan dalka Kenya waxa uu ugu yeeray argagixisada.
“Nasiib daro xaalada amaan ee Magaalada Nairobi iyo Mombassa way sii xumaanaysay laga soo bilaabo musiibadii ka dhacday Westage mall waana mid nagu beertay cabsi iyo wal wal badan waana in wax laga qabtaa “ Ayuu yiri safiirka dowlada Mareykanka u fadhiya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Kenya ayaa hada waxaa hareeyay mowjado qaraxyo ah oo dalkeeda ka dhacaya, waxaana wadamada reer galbeedka ay bilaabeen inay muwaadiniintooda kala baxaan dalkaasi, xilli dhawaan ay soo saareen warbixino ku aadan qaraxyo dalkaasi ka dhici raba.
1998, ayay ahdy markii AL-Qaacida ay qarxisay Safaarada Maraykanka ee Magaalada Nairobi iyadoo halkaasi ay ku dhinteeen dad ka badan 200 oo qof halka Boqolaal kalana ay ku dhaawacmeen




