RA’IISUL WASAARAHA OO LOO GUDBIYAY DACWAD KU AADAN ISBAAROOYIN U YAALA NABADSUGIDA, MILATERIGA, BOOLIISKA IYO WASAARADA MAALIYADA

0
498

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa loo gudbiyay Isbaarooyin Gobalka Shabeelaha Dhexe u yaalaan ciidanka Nabadsugida, Booliiska, Milateriga iyo Wasaarada Maaliyada.

Odayaal kasoo jeeda Gobalka Shabeelaha Dhexe oo shalay ay isku arkeen Ra’iisul Wasaaraha Xeebta Liido, ayaa halkaasi waxa ay ugu gudbiyeen cabasho ku aadan in ciidamada Dowladda qeybahooda kala duwan isbaaro u taalo inta udhaxeysa Deegaanka Ceel Cadde iyo Magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah Odayaasha ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in deegaanka Ceel Cadde ilaa duleedka Kaaraan ay u yaalaan Isbaarooyinka Ciidanka Milateriga oo saddex Isbaaro u taalo, Nabadsugida oo hal Isbaaro u taalo ciidanka Booliiska oo hal isbaaro utaalo iyo Wasaarada Maaliyada oo hal isbaaro u taal.

Wuxuu sheegay Odaygaasi in Al-Shabaab iyo ciidanka Milateriga ee Isbaarada u taalo aysan waxba is dhaamin, maadaama sida uu sheegay ay kawada siman yihiin dhibaatada ay Bulshada ku hayaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo markii uu dhageystay dacwada loosoo gudbiyay, ayaa wuxuu sheegay in si deg deg ah wax ay uga qabanayaan arinta ku aadan cabashada ay soo gudbiyeen Odayaasha, sidoo kalena aysan udulqaadan doonin ciidanka Milateriga ama ciidanka Dowladda ay isbaaro dhigtaan.

Wuxuu ku tilmaamay arintaasi wax aan suuragal aheyn, isaga oo sheegay in Taliyaha Nabadsugida uu maqlaye dacwada xilliga lasoo gudbinaye.

Duleedka Dhanka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho, ayaa gaadiidleeyda muddooyinkaan dambe waxa ay ka cabanayeen isbaarooyin u yaala ciidanka Dowladda, balse arintaasi hada waxaa lagu wargeliyay oo wax ka qabasho laga sugayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
20301