Sida ay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho uxaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Muzevani ayaa xalay ku kulmay aqalka Madaxtooyada dalkaasi.
Labada masuul ayaa kawada hadlay xiriirka labada Dowladood iyo arimo ku saabsan ciidanka Amisom, xilli kulanka ay goobjoog ahaayeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha ciidanka xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi oo safarka Madaxweynaha ku wehliye.
Inkastoo aynaan helin xogta rasmiga ah ee ku aadan nuxurka wadahadalka ayaa saraakiisha Madaxtooyada ka tirsan waxa ay inoo xaqiijiyeen kaliya in lagawada hadlay arimaha la dagaalanka Al-Shabaab iyo xiriirka labada Dowladood.
Wasiirka gaashaandhiga iyo Taliyaha ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed, ayaa la kulmay Taliyaha ciidanka Milateriga dalka Uganda iyo Wasiirka Gaashaandhiga dalkaasi oo ay kala hadleen sidii loosii wadi lahaa howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya, maadaama miisaanka ugu culus ee howlgalkan Dowladda Uganda ay ku leedahay.
Kasokoow wararka ku aadan arimaha Milateriga iyo xiriirka labada Dowladood, waxaa jirta guux ku aadan in labada Madaxweyne ay kawada hadleen arimaha ku aadan siyaasada beryahan kacsan ee Soomaaliya, balse ilo wareedyada Madaxtooyada ka tirsan nooma aysan xaqiijin arimahaasi.
Safarka Madaxweynaha dalka Uganda uu ku tagay ayaa qaadanaysa muddo hal cisho ah, waxaana suuragal ah in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu isla maantaba dalka dib ugu soo noqdo.
Hogaamiyaha dalka ayaa waxaa ku kacsan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ku dhaliilay waxqabad la’aan Dowladiisa mudadii ay jirtay iyo inay ku fashilantay balanqaadyadii uu Madaxweynaha horay ujeediyay.
Guux siyaasadeed waliba oo soo kala dhexgala Madaxda Dowladda waxaa faraha kula jira Dowlado shisheeye oo aanan dooneyn xalka Soomaaliya sida ay qabaan Siyaasiyiin arimaha Soomaaliya si aad ah ugu dhuun duleela.




