Khilaaf soo kala dhexgalay Gudoomiyeyaal iyo Wasiir Guuleed

0
504

Gudoomiye-yaashii hore ee Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir, oo ku kulmay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ka horyimaadeen hadal ka soo yeeray Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka ee Somaliya C/kariin Xuseen Guuleed, sida ay sheegeen.

Gaba gabadii kulankoodaan, ayaa waxaa shir jaraa’id wada qabtay Gudoomiyihii Degmada Hodan Cabdi Maxamuud Warsame (Dhabaney) iyo Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci), waxayna wax laga xumaado ku sheegeen in hub ka dhigis lagu sameeyo.

Cabdi Maxamuud Warsame, ayaa sheegay maalin dhoweyd in Wasiirka Amniga Qaranka uu amray, in hub ka dhigis lagu sameeyo Gudoomiye-yaashii hore ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo aynaan jirin wax sabab ah, sida uu sheegay.

Dhabaney, ayaa waxa uu sheegay inay u maleynayaan in lagu tuhunsan yahay, qal-qal ay geliyaan xasiloonida Degmooyinka Gobolka Banaadir, laakiin hub ka dhigis oo lagu sameeyaa, ay tahay sida uu sheegay mid Al Shabaab loogu faa’iideynaayo.

Ururka Al Shabaab, ayaa horaantii bishaan ku hanjabay in ay beegsan doonaan Gudoomiye-yaashii Degmooyinka Gobolka Banaadir, ee intoodu badan xil ka qaadista lagu sameeyay bishii April.

Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow, ayaa sheegay in Wasiirka Amniga Qaranka uu ku fashilmay in uu xilkiisa guto, isla-markaana uu shaqada ku jooggo buu yiri saaxiibtinimo.

Axmed Daaci, ayaa qeexay haddii uu qof fashilmay in shakhsiga ugu horeeyo ee fashilmay uu yahay Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka ee Somaliya C/kariin Xuseen Guuleed, isla-markaana uu Wasiir ku yahay garab uu ka heysto, sida u muujiyay Madaxda Dowladda.

Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan marnaba hubka dhigi doonin, ayna hubkoodu u heysan doonaan si ay nafsadahoodu kaga difaacaan, weeraro kaga yimaado mintidiinta Ururka Al Shabaab, oo la rumeysan yahay in ay ku dhex dhuumaaleysanayaan Caasimada.

Daaci wuxuu intaa raaciyay in suggida ammaankoodu aynaan kaga fadhin Wasiir Guuleed, isla-markaana ay isku difaaci doonaan hubka ay xilligaan gacmaha ku heystaan.

Dhanka kale Axmed Daaci, ayaa wuxuu ka jawaabay hadal dhowaan ka soo yeeray Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho General Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ka gadaal markii uu sheegay in Gudoomiye-yaashi hore fashilmayn, sidaana uu xilalka kaga xayuubiyay.

Axmed Xasan Cadow wuxuu saluugay hadalka ka soo yeeray Muungaab, iyadoo uu carab dhabay in heerka ay maanta taagan tahay Muqdisho, ay iyagu soo gaarsiiyeen markii ay xilalka qabteen, xilli ay xaalad cakiran ka taagneyd Xarunta Somaliya.

Dadka qaar, ayaa su’aal iska weydiin kara haddii hub ka dhigis lagu sameeyo xubnahaan, cidda ka difaaci kareysa Ururka mayalka adag ee Al Shabaab, oo ku goodiyay inay qaarajin doonaan.axg