Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Jilib Jubbada Dhexe

0
534

Wararka naga soo gaaraya Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa ku soo warramaya inmaanta duqeymo diyaaradeed uu ka dhacay degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarad Joog Hoose ku socota markii degmada lagu arkay in Al Shabaab ay Rasaaseeyeen taas oo keentay in diyaaraddo ay soo rido gantaallo.

Illaa 3 gantaal ayaa lagu soo warramayaa in diyaaraddu ay ku garaacday deegaanka Maanyo Gaabo oo 3 KM Xagga Koofureed ka xigta degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe kuwaas oo 2 ka mid ah ay qarxeen.

Xaaladda degmada Jilib ayaa haatan ah mid kacsan waxaana lagu soo warramayaa in Ciidamo aad u fara badan oo kuwa Al Shabaab ay ay soo gaareen degmadaasi.kenyacidan4_236842615-150x150