In ka badan badan 250-dalxiisayaal British ah ayaa Khamiistii shalay laga daad gureey magaalo Xeebeedka Monbasa ka dib markii Xukuumada London soo saartay digniin ku aadan in muwaadiniinteeda ka fogaadaan magaalooyinka Kenya oo laga yaabo in amaankooda aan ku wanaagnsaneyn.
Dalxiisayaasha oo faxas damaashaad ah u joogay xeebta iyo Jazeera Waqooyi Kenya ayaa la geeyay Qasriga Diani si Noloshooda loo badbaadiyo,waxayna sugayaan in loogu wareejiyo dalka Britain iyagoo ka duulaya Airoprtka Moi International.
Qaar ka mid ah dalxiisayaasha Britishka oo qadka taleefanka kula hadlay Wakaalada Wararka Shiinaha ee Xinghua ayaa sheegay in Diyaarada Britain’s Thomson Airline ayaa ka degtay Monbasa halkaasi ka soo daad gureyneysa dadka Muwaadiniin Britishka ah.
Tourism stakeholders in Mombasa said Britain’s Thomson Airline arrived in the Coastal city from London on Wednesday evening waiting to pick up the tourists.
Wadanka Bariga Africa ku yaalo ayaa waxaa u soo dalxiis taga dad fara badan oo inta badan ka yimaad wadamada Europe kuwaasi oo fasaxooda halkaasi ku qaata.
Dowlada Britain ayaa muwaadiniiteeda uga baqeyso in weeraro ka yimaada dagaalyahanada Xiriirka la leh Al-Qaa’ida waxyeelo u geystaan,waxaana laga baqayaa amaanka aan cagaha badan ku taagneyn ee dalka Kenya.
Waxaana arintaan cabsida ah kor u sii qaaday weeraradii ugu danbeeyay ee ka kala dhacay magaalooyinka Monbasa iyo Nairobi.




