DEG DEG: Qarax Xoogan oo ka dhacay Baydhabo

0
495

Wararka laga helayo Gobolka Baay ayaa sheegaya in goordhow uu Qarax Xoogan ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Qaraxan oo loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa qaxaa lal beegsaday Maqaaxi ku taaala Bartamaha Magaalada Baydhabo waxaana halkaasi ku dhintay ku dhawaad 13 Ruux Iyadoona sidoo kale ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 30 Qof oo kale.

Waxaa si rasmi ah aan loo shaacin ujeedka Qaraxan Ismiidaaminta ahaa iyo Cid lala damacsanaa ii ku jiray Maqaaxida lagu beegsaday balse wararka ayaa sheegaya in Qaraxa lala eegtay Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Baay ee Dowladda Soomaaliya.

Kala soco waxii ku soo kordha Wararkeena dambe hadii Alla Idmo.images8