Ciidamada Dowladda oo soo qabtay 20-ruux oo Dhalinyaro ah oo Shabaab lagu tuhmayo

0
514

Wararka ka imaanaya Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta kusoo dhigeen kudhawaad 20-ruux oo lagu tuhmayo Dagaalamayaasha Shabaab.

Guddoomiyaha Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan Muumin Maxamed Xalane oo la hadlay Radio Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in howlgalkaan ciidanka ay sameeyeen shalay ilaa xalay laguna soo qabtay dhalinyaro kala duwan.

Wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka Degmada Maxaas ay usuuragashay inay gacanta kusoo dhigaan ku dhawaad 20-ruux oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo ku sugnaa gudaha Degmada Maxaas.

Ujeedka howlgalka ayaa wuxuu ku sheegay inay aheyd xaqiijinta ammaanka Degmada Maxaas iyo baadigoobka xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanaye Xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Maxaas.

20-ruux ee lasoo qabtay ayaa waxaa la isugu geeyay Saldhiga Degmada Maxaas, halkaasi oo baaritaan lagu sameynayo, sida uu sheegay Guddoomiyaha oo intaasi hadalkiisa ku daray in sharciga la marsiinayo cidii dambi lagu helo.

Todobaadkii aan soo dhaafnay ayeey aheyd markii saddex ruux oo Shabaab inay ka tirsan yihiin lagu eedeeyay lasoo qabtay, kadib howlgalo ciidanka ay ka sameeyeen deegaano hoostaga Degmada is (2)