AL-SHABAAB OO KA HADASHAY QUNSULKA KENYA JUBBOOYINKA USOO MAGACAAWDAY

0
479

Al-Shabaab ayaa waxa ay markii ugu horeysay ka hadleen tallaabada Dowladda Kenya ay qunsul ugu soo magacawday Gobalada Jubbooyinka.Afhayeenka Guud ee Ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo la hadlay Warbaahinta Al-Furqaan, ayaa wuxuu sheegay inay filayeen in Kenya ay Qunsul usoo magacaabeyso Jubbooyinka.

Wuxuu sheegay Cali Dheere in Dowladda Kenya ay doonayso in Gobalada Jubbooyinka uu noqdo dhul kamid ah dhulka Kenya, taasina ay muujinayso kol hadii ay Qunsul Jubbooyinka usoo magacaabeen Kenya.

Sheekh Cali Dheere, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda uu hogaamiye Xasan Sheekh Maxamuud ay tahay mid daba dhilif u ah Dowladaha deriska la’ah dalka Soomaaliya, wuxuuna cadeynteeda taasi ku tilmaamay in Dowladda Kenya ay hada doonayso inay xalaaleysato Gobalada Jubbooyinka.

Ciidamada Al-Shabaab ayaa wuxuu sheegay inaysan marnaba ka daali doonin dagaalka culus ee ay kula jiraan ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbooyinka, maadaama uu sheegay inay yihiin cadoow qabsaday dhul Soomaaliyeed.

Sheekh Cali Dheere wuxuu kaloo baaq ujeediyay dadka Soomaaliyeed waxaana uu ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dagaalka culus ee lagula jiro Dowladda Kenya.
20048