Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta su’aalo weydiinaya Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed, kaasi oo Baarlamaanka horay ay ugu yeereen.
Wasiir Guuleed oo Baarlamaanka hortagay ayaa la weydiinaya su’aalo kulul, waxaana kamid ah su’aalaha la weydiinayo inuu faah-faahin ka bixin xaalada ammaan ee dalka iyo dilalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay.
Inta su’aalaha la weydiinaya Wasiirka ayaa wuxuu codsaday in saxaafada Banaanka loo saaro, taasi oo keentay in buuq uu ka dhasho Fadhiga baarlamaanka, Xildhibaanada baarlamaankana ay diideen in Banaanka loo saaro Saxaafada.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka oo cod u qaaday in Saaxaafada Banaanka loo saaro iyo inay joogto ayaa Xildhibaano gaaraya 140 waxa ay ucodeeyeen in Saxaafada aysan ka bixin hoolka oo ay goobjoog ahaadaan.
Wasiirka ayaa hada kuguda jira ka jawaabida su’aalo ay kamid yihiin weerarkii Madaxtooyada ka dhacay oo uu sheegay in baaris ay arintaasi ku socoto, isaga oo ka jawaabaya su’aalo ay kamid yihiin Dilalkii Xildhibaanada.
Ilaa 20 Xildhibaan ayaa Sugaysa wasiirka kuwaasi oo la fadhiya su’aalo.




