C/weli Sheekh Axmed Maxamed Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Oo Maanta Tagey Degmada Buulo Burde, Kadibna Jowhar U Amba Baxay.

0
447

Raisal-wasaare-Cabdiweli-Sh.-Axmed1-150x150
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta wuxuu booqasho ku tagey Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa Degmada Buulo Burde waxa uu kula soo kulmay Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Amisom, iyadoo ammaanka Buulo Burde si weyn loo adkeeyay.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxa uu Buulo Burde tagey xilli ay xaaladeedu degan tahay, Shabaabkana wa xoogaa laga fogeeyay duleedyada Degmadaasi, oo ay fariisimo ka sameysteen Ciidamada Huwanta.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed oo ay socdaalkaan ku kaabayaan Wasiiro, ayaa waxa uu goor dhow uu ka degay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa sidoo kale Jowhar waxa uu kulan kula lee yahay Maamulka Gobolka iyo midka Degmada, iyadoo uu kormeer ku soo samayn doono mashaariic laga fulinaayo Jowhar.

Socdaalka Ra’iisal Wasaaraha ee Buulo Burde iyo Jowhar, ayaa waxa uu noqonaayaa noociisii ugu horeeyay, tan iyo markii uu noqday Wasiirka 1-aad ee Soomaaliya.