Wararka aan ka heleyno Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa ku soo warramaya in inkabadan 200 oo qof kale oo Soomaali ah laga qab qabtay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Dadkaan ayaa la sheegay in loo soo masaafurin doono gudaha dalka waxaana ay ay isugu jiraan qeybo kala duwan oo Haween iyo Caruur ay ka mid yihiin.
Caaqil Diirshe oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa isagoo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho sheegay in Kenya dhibaatada ay u geysaneyso Shacabka Soomaaliyeed ay ka dhigan tahay mid iska horkeeni oontp iyada iyo Umadda Soomaaliyeed.
“ Hoteelada iyo baararka Soomaaliya ku yaalla waxaa ka shaqeeya Muwaadiniin Kenyan ah , mana jirto cid dhibaato u geysata laakin midda hadda socoto waa wax aan loo aayi doonin” sidaasi waxaa yiri Caaqil Diirshe.
Shalay ayaa ku dhawaad 100 qof oo Soomaali laga soo tarxiilay dalka Kenya ah ay ka soo dageen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalkada Muqdisho.




