Boliiska Kenya oo sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Ninkii lahaa gaari lagu qarxiyay Magaalada Nairobi

0
525

Boliiska dalka Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Ninkii iska lahaa Gaari shalay ku qarxay Saldhig Boliiska Kenya ay ku leeyihiin Pangani oo ku yaalla duleedka Xaafadda ay Soomaalidu degto ee Islii.

Gaarigaan ayaa la sheegay in uu ku diiwaan gashan yahay Ninka la yiraahdo Axmed Duwal Cali kaas oo diiwaan gashtay sanadku markuu ahaa 2000.

Boliiska ayaa sheegay in Axmed ay gacanta ku soo dhigeen xilligaanna lanta dambi baarista ee Magaalada Nairobi ay Su’aalo ku weydiinayaan.

Ugu dambeyn Taliyaha Ugu sareeya Ciidanka Boliiska Kenya David Kimyu ayaa sheegay in Axmed Duwal Cali oo la xaqiijiyay in uu lahaa gaariga qarxay lala tiicsan doono cadaaladda sida uu hadalka u dhigay.qarax-150x150