Shacab Careysan Oo Isugu Soo Baxay Afafaafka Hore Ee Madaxtooyada Soomaaliya

0
467

Shacab careysan oo ka soo jeeda Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay maanta isugu soo baxeen bananabax cabasho ah, oo ay ka dhigeen afafka hore ee Aqalka Madaxtooyada Villa Somalia.

Dadkaan, ayaa ka cabanaaya dhibaato ay sheegeen in uu ku haayo Gudoomiyaha Degmada Kaaraan Cali Calasow Xasan, iyagoo ku eedeeyay in uu xoog kaga kicinaayo dhulalkooda.

Waxay kaloo ku eedeeyeen in uu hay’ado shisheeye dhaqaalo kaga soo qaatay, sidii uu kaga saari lahaa dhulalka goofafka ah, ee ay ku lee yihiin Degmada Kaaraan.

Iyagoo Warbaahinta kula hadlaayay banaanka hore ee Villa Somalia, ayaa waxay sheegeen in ay go’aansadeen in ay uga soo dacwoodaan Madaxda Dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegeen in ay markii hore doonayeen in ay kaga dacwoodaan Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”, laakiin ay ku adkaatay sidii ay ku heli lahaayeen.

Hadaba waxay Dowladdu ka codsadeen in xabsiyada Magaalada Muqdisho laga soo sii daayo wiilashadooda, oo ay sheegeen in uu xabsiyada ka buuxiyay Gudoomiyaha Degmada Kaaraan.

Cali Calasow Xasan, ayaa dadka reer Kaaraan horey ugu eedeeyay in ay qaarkood dhul boob ballaaran ka wadaan Degmadaasi, laakiin uu kaga digaayo in ay ka wan-toobaan.