Shiikh Ibaaraahin Shiikh Xasan Guureeye Guddoomiyaha Sadaxda Gole ee ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegay in ururkooda ay la shaqeyn doonaan ciidanka Itoobiya.
Sidoo Kale Shiikh Ibaaraahin Shiikh Xasan Guureeye ayaa sheegay in ku biirista ciidanka Itoobiya ee AMISOM ay ururkooda muhiimad weyn u leedahay sidaas darteed ay la shaqeyn doonaan mar kasta.
Guureeye ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay kala shaqeyn doonaan siddii Ururka Al-Shabaab looga nadiifin lahaa gobalka Galgaduud ee dalka Soomaaliya.
Dhanka kale ururka Ahlu Sunna ayaa waxa ay sheegeen in muhiimadda koowaad ay siin doonaan sidii gobalka Galgaduud uu u noqon lahaa gobal laga sifeeyay ururka Al-Shabaab.
Ugu danbeyntii hadalkaan kasoo yeeray maamulka Ahlu Sunna ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli dhawaan ciidanka Itoobiya ay si toos ah uga mid noqday ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.




