Ciidamada dalka Ethiopia ayaa la wareegey daynuunaay oo ku taal duleedka Baydhabo,iyadoo markii ay degeen dagaal kedis ah ay ku dhufteen Ciidamada Dagaalyahanada Alshabaab.
Dagaalka ayaa socdey muddo ku dhaw hal saac,iyadoo leysu adeegsadey hubka waaweyn iyo kan yar yar,lamana oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee kala gaartey ciidamada Ethiopia iyo ciidamada Dagaalyahanada Alshabaab,waxeyna dadka deegaanku sheegayaan in dagaalku si iskiis ah u istaagey hase yeeshee ciidamada Ethiopia ayaa ku sugan Deynuunaay xiligan.
Waa markii ugu horeysey ee ciidamada Ethiopia lagu weeraro gudaha dalka soomaaliya tan iyo waqtigii la sheegey in ay ciidamada Ethiopia kamid noqdeen ciidamada Amisom,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo ciidamada Ethiopia ay diidanyihiin dadka soomaaliyeed.




