Tiro ciidamo lagu sheegey dhawr boqol oo milateri ah ayaa lagu soo waramayaa in la ruqseeyey kuwaas oo ay ku jiraan ilaa sadex jenan,saraakiil,sarkaal xigeen,alifley iyo dabley,waxeyna u badanyihiin haween.
Ciidamadan ayaa waxaa la sheegayaa in ay markii loo sheegey ruqsadooda soo aadey Madaxtooyada iyadoo markii lala hadley hadana yimid xarunta gudiga shaqaalaha rayidka ah aqoon daro heysata awgeed waxeyna markii danbe la kulmeen wasiirka iyo wasiirku xigeenka cusub ee wasaarada gaashaandhiga Maxamed Shekh Xasan Xaamud iyo Cabdala xuseen Cali,iyagoo u sheegey in arimahooda dib loo fiirinayo.
Waxeyna eedda ciidamadan lagu ruqseeyey ay u badantahey askar la socda madax kale oo mushaar iska soo doonta iyo haween iyaguna si iskood ah u shaqeysta,mushaar uun usoo xaadira.
Ruqseynta ciidamada tiradoodu intan la egtahey ayaa noqoneysa midii abid la maqlo hase yeeshee waxey kusoo beegmeysaa iyadoo madaxda cusub ee wasaarada gaashaandhiga soomaaliya ay balan qaadeen in ay ciidamada dib u habeyn ku sameynayaan lana tababarayo,iyadoo ciidii aan la jaanqaadi karin la sheegey in laga taqalusayo oo meesha laga saari doono.




