Madaxweynaha maamulka kmg ee juba Axmed Maxamed Islaam (axmed madoobe) iyo xukuumadii uu dhawaan soo dhisey ayaa waxaa loo sameeyey caleema saar aan hore loo arag.
Caleemasaarka ayaa waxaa kasoo qeybgaley madax farabadan iyo dublamaasiyiin ay kamid yihiin ergeyga qaramada midoobey Nickolos key,safiirka somaliya u fadhiya kenya Maxamed Cabdi Afeey,kan midawga afrika,gen.Gabre,r/wasaarihii hore ee soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo madax kale.
Qorshaha caleema saarkan ayaa dadku aragtiyo kala duwan ka bixiyeen ayaa kusoo beegmeysa iyadoo kismaayo beelo degi jirey ay dagaal Axmed iyo ciidamadiisu ku qaadeen kaga maqanyihiin isla markaasna la sheegey in heshiis iyo xal laga gaarey taas oo afka baarkiisa ah,ayna hada beesha caalamka iyo dublamaasiyiintuna ku raaceen,maxey ku keeni doontaa aayaha kismaayo?
Waxaana warar hada nasoo gaaraya ay sheegayaan in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen caawa airporka kismaayo,lamana oga cidda ay yihiin iyo waxa uu salka ku hayo weerarkan airporka lagu qaadey.




