Gaari ay wateen rag u dhashey dalka Turkiga ayaa galabta lagu qarxiyey degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose,iyadoo uu ku dhaawacmey darawalkii gaariga wadey oo u dhashey soomaali.
Sida lagu soo waramayo waxaa la qabtey ninkii qaraxa fuliyey sida ay sheegayaan warar kasoo baxaya ciidanka booliska ka hawlgala degmada Afgooye ee gobolka Sh/dhexe.
Maahan markii ugu horeysey ee la weeraro dadka ka socda dalka Turkiga ee waxaa dhawr jeer hore u dhacey qaraxyo lala beegsadey gawaari ay saarnaayeen dad u dhashey dalka turkiga oo la oran karo waa kan keliya ee wax dalkan iyo dadkan u haraya qabtey sida dhisida waddooyinka muqdisho dhexdeeda ah, garoonka diyaaradaha iyo dekedda muqdisho.
Waxeyna hore u sheegeen Xarakada dagaalyahanada Alshabaab in Turkigu u adeegayo gaallo kale oo ka waaweyn isla markaasna ay weerarayaan gawaaridooda,guryaha iyo xarumaha ay deganyihiin hadii kale ay dalka soomaaliya isaga baxaan.




