Xil wareejin ayaa lagu wadaa in ay berito ka dhacdo xarunta m/tooyada taas oo xilka uu ku wareejin doono r/wasaarihii hore drSaacid r/wasaraha cusub C/weli Shekh Axmed.
R/wasaaraha cusub ayaa la filayaa marka uu xilka la wareego in uu soo magacaabo xukuumad ka kooban 25 wasiir w/dawleyaal iyo kuxigeeno,iyadoo xukuumadaasi ku labanlaabmeysa xukuumadii hore ee dr Saacid hugaaminayey.
Waa xukuumadii labaad tan iyo intii majaraha dalka uu qabtey prof. Xasan Sheekh Maxamuud,iyadoo waqtigan lagu tilmaamo xili laga baxey kumeelgaar loona gudbey dawlad rasmi ah oo adduunku aqoonsanyahey,sida ay la tahey dadka qaarkiisna ay tahey wax kama jiraan dhalanteed ah.




