Basaporka soomaaliyaa oo mar kale nakhshadiisa la bedeley,waa maxey sababtu?

0
508

Munaasabadaani Lagu daah-furayey Aqoonsiga Baasaboorka Cusub Oo Maanta Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweyne Xasan Sheikh Max’uud Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, wasiiro, xildhibaano, diblomaasiyiinta dalalka caalamka qaarkood, Agaasimaha Guud ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyada, Guddoomiyaha Gobolka Banadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamud Axmed Nur Tarzan iyo Dadkaloo Aad U Farabadan.

General Gaafow ayaa sharaxay faa’iidada baasaboorkan cusub oo uu sheegay in hadda waxii ka danbeeya aan la bixin karin baasaboor cusub oo ay tahay shaqsi walba inuu marka hore dowladaha hoose ka soo qaato warqadii dhalashada, warqadii aqoonsiga, iyo dhammaan dokumentiyada muhiimka u ah oo caddeynaya in shaqsigu yahay Soomaali.

Madaxweynaha Soomaaliya oo soo gabogabeeyey xafladda daahfurka ayaa ku Dhiira geliyey shacabka inay sameystaan waraaqaha aqoonsiga oo muhiim u ah helida pasaborka ay xaqa u leeyihiin.