Siilaanyo’Faroole,iyo Axmed madoobe oo ethiopia u aqoonsatey gudoomiyeyaal gobol.

0
472

Axmed siilaanyo,C/raxmaan faroore iyo Axmed madoobe oo ka qeyb galey kulanka bandhiga qoomiyadaha kaas oo ka dhacey jigjiga dawlada deegaanka soomaalida iyadoo loo diidey in ay ka hadlaan goobta isla markaasna lala fariisiyey gudoomiyeyaasha gobolada ka socdey soomaaliya sida gudomiyaha gobolka sh/hose C/qaadir siidii iyo gudomiyaha gobolka sh/dhexe Cabdi Jiinoow Calasow.

Axmed siilaanyo ayaa markii uu ogaadey in aanu hadal meesha ku laheyn damcey in uu xafladda banaanka uga baxo hase yeeshee waxaa u diidey askartii la socotey m/weynaha dawlada deegaanka soomaalida Cabdi Maxamed Cumar,waxaana soomaalida u hadley m/weyne Ismaaciil Cumar Geele iyo wasiirka warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta C/hi Ciilmooge Xirsi,taas oo ay ka xanaaqeen ragan m/weyneyaasha isu yaqaan,hadana loo aqoonsadey gudoomiyeyaal gobol.

Waa markii ugu horeysey ee ay dawlada deegaanka soomaalidu muujiso in siilaanyo,faroole iyo axmed madoobe ay la maqaam yihiin gudoomiye gobol,iyo wax la mid ah.

Dawladda deegaanka soomaalida ayaa ragaas aan kor kusoo sheegney hore ugu muujinjirtey soo dhaweyn ka sareysa gudoomiye gobol,waxeyse tani kusoo beegmeysaa xilli dawladda dhexe ee soomaaliya iyo ethiopia ay is fahmeen kadib heshiiski adisababa markii lagu heshiisiiyey dawlada dhexe ee soomaaliya iyo maamulka kmg ee jubba.

Dawlada ethiopia iyo maamulada qoomiyadaha ayaa hadey arinkan sii wadaan waxey dhabarjab ku tahey m/weyne maamul goboleedyada soomaaliya.