Xubnaha barlamaanka soomaaliyeed oo loo qeybiyey lix su’aalood iyadoo laga codsadey in ay soo ururiyaan sida ugu haboon ee!!!.

0
603

Barlamaanka soomaaliya oo loo qeybiyey lix su’aalood oo ka turjumaya sida ugu haboon ee loogu gudbi karo nidaamka axzaabta siyaasada ayaa waxaa lagu amrey in ay kasoo baaraandegaan soona qeexaan habka iyo sida loo guda geli karo nidaamka xisbiyada.

Barlamaankan hadda jira ayaa ah mid salka ku haya wax qeybsiga qabiilka 4.5 marar badana soo hadal qaadey in la gudagalo sameynta xeerka axzaabta hase yeeshee aaney hada kahor waxba ka qabsoomin ayaan la ogeyn sida warkani uga bedelanyahey kuwii hore loo maqli jirey,wax la tashi ah oo lala yeeshey xisbiyada dalka ka jira ma jiraan,ee maxaa dhici kara?.

Waxaa dhici kara wey iska cadyihiin hadii aaney xisbiyada dalka ka jira aaney talo ku yeelan xeerka iyo habka loo guda gelayo nidaamka xisbiyada badan,gudoomiyaha barlamaanka jawaari ayaad moodaa in uu ku qancinayo r/wasaarihii uu ka eexdey Saacid isagoo ugu laab qaboojinaya in xisbiyadu ay shaqeyn doonaan marka la dejiyo habka iyo xeerka ay ku shaqeynayaan.

Maahan markii ugu horeysey ee ay xubnaha barlamaanku soo hadalqaadaan xisbiyada badan iyo sharciyadooda waxeyse tani kusoo beegmeysaa in wasiirki koowaad ee xilka laga tuurey uu doonayo in uu hugaamiyo xisbi siyaasadeed la magac baxey Rajo kaas oo la filayo in dr saacid uu hugaamiyo dawladana uu ku jalanji gareeyo,gudoomiyaha barlamaankuna doonayo inta aaney xukuumadu bixin in arintaas barlamaanku soo gabagabeeyo.