Qarax ismiidaamin ah oo geystey dhimashada in ka badan 15 ruux iyo dhaawaca 30 kale ayaa ka dhacey magaalada boosaaso ee maamulka puntland.
Qaraxan oo lala beegsadey saraakiil iyo ciidamo ka tirsan hey’ada Saarison ee tababarta ciidamada badda sida ay sheegaan madaxda puntland ayaa wuxuu ka dhacey agagaarka shirkada Amel ee xawaalada lacaga ka shaqeysa,halkaas oo iyada lafteeda khasaaruhu saameeyey.
Qaraxa ayaa waxaa fuliyey nin watey gaari ruuneed ah kaas oo mar qura isku qaadey meel ay ku sugnaayeen Askarta shirkadda saarisan,kuwaas oo laga diidanyahey puntland maadaama ay taageeraan maamulka faroole ee laga soo horjeedo waqtigiisiina sii idlaanayo.
Maamulka puntland ayaa ku hanjabey in ay ka aarsan doonaan kuwa ficilkan ka danbeeyey wasiirka arrimaha gudaha khaliif ciise mudan oo warbaahinta la hadlayey ayaa tirada dhimashada kusheegey 8 qof taas oo xaqiiqda ka fog.
Maahan markii ugu horeysey ee qaraxan iyo kuwo lamid ahi ay ka dhacaan maamulka puntlan,waxeyse tani kusoo beegmeysaa iyadoo laysku hayo madaxtinimada puntland oo dhawaan la rajeynayo in ay dhawaan ka dhacdo deegaanada ay maamusho puntland.




