Suuqa degmada janaale oo bambo gacmeed lagu tuurey.

0
518

Suuqa degmada janaale ayaa maanta waxaa lagu tuurey bambo gacmeed iyadoo ay ku dhinteen tiro sadex qof halka sideed qof oo kale la sheegey in ay ku dhaawacmeen.

Markii qaraxu dhacey ayaa goobta waxaa soo gaarey ciidamo kuwa dawlada ka tirsan ah,waxaana la sheegayaa in la qabtey nin la sheegey in uu bamka tuurey,waxeyna wararku sheegayaan in aan ilaa hada cidina sheegan bamka lagu tuurey suuqa ay dadku usoo adeeg doontaan iyadoo ficiladan iyo kuwo lamid ahiba ay ku badanyihiin dalka soomaaliya.

Maahan markii ugu horeysey ee qaraxan oo kale ka dhaco degmada janaale,waxeyse tani kusoo beegmeysaa iyadoo aaney hada jirin hawlgalo ka dhan ah dagaalyahanada xarakada Al-shabaab oo gacanta ku haya deegaano aan ka fogeyn deegaanka deg.janaale oo qaraxu ka dhacey.