Odey dhaqameedyo sheegey in dawladani aysan waxba ka duwaneyn kuwii KMG ee dalku soo marey.

0
495

Mid kamid ah odayaashi dhaqanka ee soo aas aasey dawlada federalka soomaaliya ayaa ku tilmaamey dawladan in aaney waxba ka bedelneyn dawladihii kumeel gaarka ahaa ee dalku soo marey.

Odey dhaqameedyada soo dhisey barlamaankan iyo dawlada faderalka soomaaliya ayaa dhaliilsan sida caalamku ula dhaqmayo dawlada dhexe iyo sida ay u leeyihiin dawladani waa dawlad rasmi ah,waxeyna dadku u arkaan in beesha caalamku ay heshiisyadeeda oo kaliya ay u leeyihiin dawlada soomaaliya waa dawlad rasmi ah,balse hab dhaqanka loola dhaqmayo dawlada soomaaliya uu yahey mid la dhihi karo wuu ka liitaa kuwii KMG lagu sheegi jirey.

Odayaasha dhaqanka waxgaradka iyo aqoonyahan soomaaliyeed ayaa wax badan ka hadley waxa ay dawladani uga duwantahey kuwii kmg ee dalku soo marey,hase yeeshee warkan odaydhaqameedka kasoo baxey ayaa xasuusinaya is qab qabsiga hada ka jira dawlada dhexe madaxdeeda qaarkeed sida m/weynaha iyo r/wasaaraha.