Ra’iizalwasare kuxigenka ahna wasiirada arrimaha debedda Fawsiya Yussuf X Aadan oo dalka dib ugu soo laabatey.

0
621

Ra’iisalwazare kuxigen ahna wasiirka arrimaha dibadda Fawsiya Yusuf X Aadan ayaa dalka dib ugu soo noqotey kadib markii ay kasoo qeyb gashey shir ka dhacey brussels dalka biljemka kaas oo looga hadlayey sidii loo taageeri lahaa wadamo afrika iyo carab isugu jira xuquuqda aadanahana loo xaqiijin lahaa.

Wasiirada oo warbaahinta la hadleysey iyadoo madaarka ku nasaneysa ayaa waxey sheegtey in ay guul kusoo dhamaadeen shirarki ay ka qeyb galeen iyada iyo wafdigii ay hugaamineysey ayna rajeyneyso in mirahiisu dalka soo gaari doonaan dhawaan.

Maahan marki ugu horeysey ee ay Fawsiyo Yusuf x Aadan ay ka qeyb gasho shir looga hadlayo soomaaliya iyo arrimaha Afrika,wuxuuse shirkani kusoo beegmayaa xili beri la filayo in barlamaanka dawlada federalku u codeeyaan moshin ka dhan ah xukuumada ay ka tirsantahey wasiiradda arrimaha debedda mrw Fawsiya Yussuf X Aadan.