Idaacadaha Shabeelle,Radio SKY iyo Tvga ayaa maanta waxaa laga rarey qalabkii ay ku shaqeyn jireen,kadib markii dhawaan ciidamada amniga soomaaliya ay weerar ku qaadeen idaacadaha shabeele iyo sky lana xir xirey ku dhawaad 30 kamid ah shaqaalaha idaacadahaas.
Gudoomiyaha ahna milkiilaha idaacadaha shabeelle iyo sky radio C/maalik Yuusuf ayaa sheegey in laga burburiyey qalab farabadan lagana qaatey lacago kash ah oo gaaraya ku dhawaad sadex boqol kun dolar uusanna ka guureyn dhismaha uu dagenaa si sharci ahna uu ku degenaa dhismaha dawlada isagoo sheegey in uu heysto waraaqo ay uga kireysey dawladii kmg ee tan ka horeysey isla markaa uusan dhamaanin heshiiska kirada guriga uu ku shaqeynayey.
C/maalik Yuusuf iyo dawlada ayaa waxaa u dhaxeeyey wada hadalo lamana oga waxa ay ku heshiiyeen balse maanta ayaa la arkayey iyadoo qalabkii idaacadaha lagu rarey gaari xamuul ah lamana oga meesha loo rarey iyo halka xarun u noqondoonta idaacadaha,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo uu jiro khilaaf u dhaxeeya m/weynaha iyo r/wasaaraha soomaaliya.




