Xildhibaanada barlamaanka soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaariyeen moshin ka dhan ah xukuumada saacid,waxaana la soo sheegayaa in shanta beel ee barlamaanku ka koobanyahey uu mid walbaa sodon xubnihiisa barlamaanka kamid ah uu saxiixey moshinka ayna hada marayaan 150 xildhibaan inta ogol in ra’iisalwasare Saacid iska tago.
Xildhibaanada barlamaanka oo ah maxkamada lagu kala harayo ayaa la kala xod xodanayaa m/weynaha iyo ra’iisalwasaraha,waxeyna sheegayaan wararkii ugu danbeeyey ee aan ka heleyno xubnaha barlamaanka in ra’iisalwasaare Saacid laga sito uuna iska tegayo beryaha soo socda.
Maahan markii ugu horeysey ee m/weyne iyo ra’iizalwasaare is qabtaan,waxeyse tani kusoo beegmeysaa xili ra’iizalwasaare Saacid hore shacabka ugu balanqaadey in isaga iyo m/weynaha aan la dhexdhexaadin doonin sidii hore loo bartey xukuumadihii dalka soomarey.




