Beelo kasoo jeeda jubbooyinka oo kasoo horjeestey shirka dib u heshiisiinta jubbooyinka.

0
190

Beelo dega jubooyinka ayaa qaadacey kana horyimid shirka lagu soo gabangabeeyey muqdisho,waxeyna sheegeen in shirkaasi uusan aheyn dib u heshiisiin ee uu yahey mid iska horkeenaya dadka wada dega jubbooyinka.

Beelaha direed ayaa shirka iskaga baxey,horane kuwo kale ayaa dhaliiley,iyadoo ay sidoo kale xildhibaano gaaraya lixdan ay ka horyimaadaan shirkan loogu yeerey shirka dib u heshiisiinta jubooyinka.

Waxaana isasoo tareysa mucaaradada shirkan muqdisho kusoo dhamaadey,iyadoo uu wajigii kan ka muhiimsanaa uu ka dhici doono kismaayo,lamana oga sida uu heshiiskani u horseedi karo nabad iyo isfaham bulshada iyo beelaha wada dega jubbooyinka.