Shirkii dib u heshiisiinta jubbooyinka ayaa muqdisho kusoo gabangaboobey,iyadoo ay goob joog ka ahaayeen wakiilo ka socdey dawladaha igad iyo madaxda dawlada federalka soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa kasoo baxey qodobo lix ah oo ay kamid yihiin:-
1 in nabadda laga wada shaqeeyo lana taageero maamulka kmg ee axmed madobe hugaamiyo.
2 in si wada jir ah loola diriro kooxda alshabaab meelaha ay heystaana laga xoreeyo.
3 in dib loogu soo celiyo magaalada maleyshiyaadki colaada uga baxey kismaayo.
4 in cidii nabada carqaleyso loo aqoonsado denbiile qaran.
5 in igad ay gacan ka geysato sidii nabadgelyo loogu soo dabaali lahaa jubooyinka.
6 in wax kasta oo leysku khilaafo nabad lagu dhameeyo.
Shirka ayaa waxaa soo xirey oo soo gabangabeeyey m/weyne xasan shekh iyo wasiirka arrimaha gudaha C/kariim Xuseen guuleed iyo madax kale,waxeyna tani imaneysaa xili kismaayo inta badan bulshado ay dhaliilsantahey sida wax u socdaan.




