Madaxweynaha soomaaliya prof. Xasan Shekh Maxamuud ayaa maanta si lama filaan ah ku tagey magaalomadaxda gobolka sh/dhexe ee jawhar,isagoo kulamo la yeeshey maamulka gobolka iyo qeybaha bulshada.
Gobolka sh/dhexe ayaa waxaa uu dagaal dhexmarey beelo walaalo ah oo wada dega gobolka,kuwaas oo in mudo ahba colaadi dhex tiil,iyadoo iska laayey dad badan kuwo kalena iska dhaawacey,taas oo la filayo in ay wax ka tarto booqashada madaxweynaha.
Waa markii ugu horeysey ee uu booqasho ku tago m/weyne Xasan sheekh,tan iyo goorti uu madaxweynaha noqdey,waxeyna booqashadiisu kusoo beegmeysaa xili beelo walaalo ah oo ay m/weynaha isku heyb yihiin ay ku dagaalamayaan gobolka sh/dhexe.




