Allaha u naxariistee waxaa caawa gurigiisii adduun ku geenyoodey xwariye Ibraahim xaamud oo magac dheeraa Ibraahim radio.
Ibraahim radio ayaa in muddo ah waxa uu la xanuunsanaa xanuunka sonkorta ama macaanka,mana helin daryeel iyo daaweyn debedda ah,taas oo ay ka simanyihiin wariyeyaasha dawlada federalka ah u shaqeeya,iyadoon cidina xil iska saarin difaaca naftooda iyo daryeelka noloshoodaba.
Ibraahim xaamud ayaa ifka kaga tagey xaas iyo caruur isagoo ahaa nin saxafi aad u fiican,xishooda,afgaaban,isboorti ah,wuxuu qabanjirey ciyaaraha kubbada cagta isagoo garsoore u noqon jirey labo koox oo wada ciyaarta si wanaagsan ayuu ugu kala garsoori jirey kooxaha,muran iyo dagaalna kama dhicijirin kubbada uu garsooro.
Allaha u naxariisto ehelki iyo qaraabadii uu ka baxeyna samir iyo iimaan allaha ka siiyo bacdigiisna alle nama fidneeyo (innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun).




