Dawladda federalka ah oo burburin rabta dhismaha Daahir Bakiin ex kuraasyacad ee km4.

0
138

Warar hoose oo ay heshey wakaaladda wararka warsom ayaa sheegaya in maalinta Axadda soo socota ay ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugida qaranku u diyaarsanyihiin in ay burburiyaan dhismaha Daahir Bakiin ee km4,halkaas oo hore loo dhihi jirey hottel kuraasya cad.

Dhulka Daahir Bakiin u dhisan ayaa sida la sheegayo waxaa ka socota maxkamad waxaana ku heysta oo Daahir Bakiin,Maryan Baadi iyo dadkale oo dhul banaan ku ganacsada dacweeyey Milkiyadda dhulkaasna wata Axmed Maxamed Cali (shandille).

Shandille ayaa Daahir Bakiin ku dacweynaya in uu dhistey kana heysto dhul milkiyadiisa uu isagu si sharci ah u leeyahey,sidoo kale Maryan Baadi ayaa iyaduna dhisatey qeyb dhulka shandille kamid ah,iyadoo dad kale oo ganacsato yar yar ahi ku ganacsadaan qeyb dhulka shandille kamid ah oo banaan.

Hadaba iyadoo dacwadaasi socoto ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in rag kale oo dawladda kamid ahi doonayaan in ay siyaabo kale ku xalaaleystaan oo ka qaataan dadka isku heysta,kuna soo saareen warqad dumin ah,si loo isticmaalo borobagando hore oo dhulka looga dhacey agoonti iska laheyd oo aabahood Maxamed Cali Maxamed shandille uu dhulkaas si sharci ah ugu soo baxey waligoodna aysan dawladi ka qaadin,balse la adeegsadey dacaayad raqiis ah si loo dhisto wadooyinkii dhulkaasi lahaa hadana ay ka dhisanyihiin dabaqyo sharci darro ah.

Axmed Maxamed Shandille oo wakaalada wararka warsom la hadley ayaa yiri sidee dawladu dhulkeena ula wareegeysaa iyadoo jidadkii dhulkeenu lahaa ay dad dabaqyo ka dhisteen?
Sidoo kale hadii dhulkeena lala wareegey maxey dawladu noogu bedeshey?bolatino ofishaalle ma lagu soo saarey la wareegida dhulkeena?
Anigu waxaan uga digayaa cid kasta oo dhulkaas dani uga jirto in aysan ku fududaan ama ku ceeboobin dawlada ama qeyrkeeda,dhulkaas anaga ayaa iska leh dacwadiisuna maxkamada gobolka banaadir ayey ka furantahey(sharcigana waa loo simanyahey).