Kulan barlamaanku yeeshey iyo su’aalo la weydiiyey wasiirka warfaafinta gaadiidka iyo boostada C/hi Ciilmooge Xirsi.

0
186

Kulan barlamaanka soomaaliya uu yeeshey ayaa wasiirka bostada iyo isgaarsiinta c/hi ciilmoge xirsi waxaa xubno barlamaanka kamid ahi waxey weydiiyeen su’aalo la xiriira heshiisyo wasaaradu la gashey hey’ado kale.

Sidoo kale wasirka ayaa waxa uu barlamaanka markii 3’aad ka hor aqriyey sharci hore wasaaradu barlamaanka u gudbisey,waxaana ka mid ahaa su’aalaha la weydiiyey ciilmoge heshiiski shirkada SkA ay kaga qaadey xukuumadu shaqadii ay shirkadaasi ka heysey airporka muqdisho ee aadancadde airport,isagoo ku jawaabey hadal lala yaabey oo ah in wasiirku ku eedeeyey shirkadda SKA in ay calankeeda ka taagtey airporka,saas ayaan uga qaadney heshiiski ay shaqada ku waddey ayuu ku jawaabey wasir ciilmoge.

Hortagista ciilmooge uu barlamaanka hortagey ayaa imaneysa iyadoo la sheegayo in uu ku jiro wasiiro laga takhalusey oo laga reebey xukuumada soo socota,lamana oga inuu dhabyahey warkaasi iyo inkale.