Kuxigenka xoghayaha guud ee qaramada midoobey oo booqasho ku yimid muqdisho lana kulmey!!.

0
505

Kuxigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey jahn lison ayaa maanta ku yimid booqasho xarunta muqdisho,isagoo kulamo la yeeshey m/weynaha soomaaliya iyo R/wazaraha soomaaliya.

Jahn lison oo ka hadley xafiiska m/weynaha ayaa sheegey in uu yahey waayo arag muqdisho u yahey uuna yimid 1991kii isagoo intaas ku darey in Qaramada Midoobey ay barbartaagantahey dawlada soomaaliya.

Jahn lison kuxigenka xoghayaha qaramada midoobey ayaa waxey imaantinkiisa kusoo beegmey iyadoo dad badan oo rayid ah dawladu ka kicineyso dhismayaal ay degenaayeen,isla markaana albaabada leysugu dhuftey idaacadaha shabeelle radio and TV, iyo sky xabsigana loo taxaabey in kabadan 30 shaqaale ka shaqeynayey labada idaacadood iyo tvga.