Warsaxaafadeed laga soo saarey xafiiska madaxweynaha ayaa lagu cambaareeyey dhaawaca koox hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn,iyadoo lagu yiri waxaan cambaareyneynaa kuwa ugaarsanaya wariyeyaasha.
Sidoo kale waxaan fareynaa hey’adaha amniga in ay soo qabtaan kuwa danbiilayaasha ah oo dilaya dad aan waxba u geysan kuwaasoo xirfadooda loo weerarayo ama loo dilayo.
Madaxweynaha cambaareyntiisa iyo r/wasaaraha,dhamaan inta masuul sheegato hadii ay wada cambaareeyaan waxba kama tareyso kamana hortageyso denbiga dhacayo ee waxaa loo baahanyahey in hey’adaha amnigu waajibkooda gutaan waxaadna moodaa in wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranku ay yeelaneyso mas’uuliyada iyo sugida amniga shaqsiyaadka wax galka ah ee bulshada.




