Wariye Maxamed Maxamu’d Timacadde oo koox dabley ah dhaawaceen.

0
466

Wariye maxamed Maxamud Timacadde ayaa maanta waxaa dhaawacey koox dabley ah kuwaasoo baabuurki uu watey ku hor gooyey gaari kale isla markaasna rasaas ku furey.

Wariye Maxamed Maxamud Timacadde oo ka tirsanaa Tvga universal ayaa waxaa ku dhacey lix xabadood oo uga kala dhacey qoorta,feeraha iyo caloosha ,waxaana lagu soo waramayaa in xaaladiisa caafimaad ay kasoo reyneyso,iyadoo ay la tacaalayaan dhaqaatiirta daweyneysa.

Maahan markii ugu horeysey ee wariye la dhaawaco ama la dilo hase yeeshee waxey tani kusoo beegmeysaa iyadoo aysan jirin ilaa hada qof loo soo qabtey ama loo maxkamadeeyey lamana oga cida ka danbeysa dhaawaca wariye Maxam’d maxamu’d timacadde waxaan u rajeyneynaa in alaah caafiyo insha alaah.