Xukuumadii tirada yareyd ee uu hugaaminayey r/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa lagu soo waramayaa in ay sadex wasiir oo keliya ay kasoo laaban doonaan.
R/wasaare Saacid ayaa wada isku shaandheyn xukuumada ah iyadoo la sheegayo in wasiirada la filayo in r/wasaaruhu soo bandhigo in ay gaarayaan in ka badan 20 wazaradood,waziirkuxigeeno iyo waziirodawlayaal,kuwaasoo konton kor u dhaafidoona.
Xukuumadan oo soo shaqeysey mudo hal sano ah ayaa tiradeedu aheyd sodon iyo labo xubnood,waxaana u dhaxeeya farqi aad u badan,lamana dhihi karo xukuumadii tirada yareyd faa’iidadaas ayaa lagu gaarey,walaw ay tirada badani dhibkeeda leedahey,sidaas awgeed waxaa ay sheegayaan warar hoose oo aan helney in sadexda wasiir ee soo noqonaya ay kala yihiin:-
w/wasarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed.
W/wasarada gaashaandhiga C/xakiin fiqi.
Iyo w/wasarada arrimaha debedda iyo xiriirka caalamiga ah fawsiyo Yusuf x Aadan.




