Murankii u dhaxeeyey xubnaha sanedka mareykanka ee kala ah labada xisbi ee jamhuuriga iyo dimuquraadiga ayaa illaa xad go’aan heshiis laga gaarey.
Sida ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta caalamka ayaa waxaa lagu balamey in mar kale aqalka sanadku wada hadlo si leysugu raaco meelmarinta miizaaniyada dalka mareykanka.
Dad dhaqaalo yahanno ah ayaa ra’ayigooda ku cabirey in dhaqaalo burbur daran uu mareykanku la kulmi karo hadii ay senadku isku raaci waayaan in la meelmariyo miizaaniyada dalka mareykanka caalamkana ay saameyn weyn ku yeelan karto.
Dawlada mareykanka ayaa lagu leeyahey deyn ay hore u qaadatey si ay deyntaas isaga bixisana waxey aad ugu baahantahey in ay daqli ay isaga bixiso hesho,shaqaale badana u qorato,waxaanse arki doonaa sida ay wax noqdaan beryaha soo socda.




